Axmed Madoobe: DF Soomaaliya waxba kama duwana Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu furayay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka Jubaland uga hadlay xaaladaha ka jira maamulkiisa iyo mida guud ee dalka Soomaaliya.

Isagoo ku hormaray hadalkiisa xaaladda Jubaland, ayaa Axmed Madoobe sheegay in maamulka uu hogaamiyo xilligan wajahayo caqabado badan iyo duulaan lagu soo qaadey, oo uu ku eedeeyay dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in habdhaqankeeda uu lamid yahay midka Al-Shabaab, oo dowladnimada ka saarto qofkii kasoo horjeeda feker ahaan, kana dhigto khaan’inul wadan.

“DF waxba kama duwana Al-Shabaab, dhaqankeedu waa in qofkii rabitaankeeda kasoo horjeeda ay ka dhigto khaa’inul wadan, sida Al-Shabaab uga xukunto murtadnimo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu baaqey dowladaha Turkiga iyo Qatar inay joojiyaan taageerada ciidanka dowladda, maadaama ay qeyb ka noqdeen colaadda dalka, loona adeegsanayo dano siyaadeed.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ku booriyay Itoobiya inay faragelinta ka joojiso gobolka Gedo, halkaasi oo ciidamadeeda ay uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Jubaland, iyagoo la saftay kuwa dowlada.

Dhanka kale, wuxuu daboolka ka qaadey in afarta sano ee soo aadan uu ka shaqeyn doono daadejinta maamulka iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in madaxda hadda joogta Villa Soomaaliya aysan waxba kala socon xaaladihii uu dalka soo maray, ayna dalka ka qaxeen markii colaadda, haddana dib ugu soo laabteen xaaladdu degan tahay.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM