Axmed Madoobe ka degay Muqdisho [Sawirrda soo dhaweyntiisa]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta soo saarey magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha gudaha iyo Amniga ee Xukuumadda Khayre ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo loo galbiyay Madaxtooyadda Villa Somalia.

Illo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in ujeedka uu Axmed Madoobe u yimid caasimadda ay tahay dhameystirka Heshiiskii uu dhawaan Kismaayo kula galay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qodobada qaar ee heshiiska oo Khayre iyo Fahad Yaasiin go'aan ka gaari waayeen intii ay wadahadallada ka socdeeen Kismaayo ayaa loo gudbiyay Farmaajo, oo la filayo inay isla-meel dhigaan Axmed Madoobe, oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyay Villa Somalia.

Xiisadda siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa cirka isku shareertay sanadkii tagey kadib markii Gollihii Iskaashiga ee lagu dhisay Kismaayo ay xiriirkii wadashaqeyn u jareen dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Madaxdii maamullada qaar ayaa isbedel ku yimid, kadib markii Madaxweynihii Puntland, Cabdiweli Gaas doorashadii January looga adkaaday, iyadoo Shariif Xasan, Madaxweynihiii Koonfur Galbeed is-casilay, waxaana heshiis qaatey Madaxweynaha HirShabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM