Madaxweyne Axmed Madoobe oo dalacsiiyay taliye Mahad Islaam

Image

AFMADOW, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa maanta oo Isniin ah Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa kadib kulan gaar ah la qaatay sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow uga mahad celiyay Mahad iyo ciidanka uu hogaamiyo shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Jubaland.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Mahad Islaam fashilinta shirqoolka la doonayay in lagu burburiyo maamulka hadda ka jira Jubaland, oo khilaaf kala dhaxeeya dowladda Federaalka, oo duulaan ku qaadey Gedo.

Mahad ayaa dalacsiinta ku muteystay kadib markii sidda uu sheegay iska diiday hal milyan oo dollar, oo ay u balanqaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasin, taliyaha NISA hadii uu fududeeyo qorshe lagula wareegi lahaa Afmadow iyo Dhoobley, oo hadda Jubaland ka talisa.

Mahad oo ah taliyaha Daraawiishta Jubaland ee Afmadow ayaa daboolka ka qaadey in uu kahor tagay waxa uu ku tilmaamay "afgembi" ka dhan ah maamulka uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.

Taliyaha ayaa warbaahinta la wadaagay magacyada iyo taleefoon lambarada mas'uuliyiinta xiriirka lasoo sameeyay, ee ka dalbaday inuu u fuliyo dawladda Federaalka qorshaha ay ka damacsan tahay Jubaland. [Halkan ka akhriso warbixinta].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM