Madaxweyne Axmed Madoobe oo dalacsiiyay taliye Mahad Islaam

Image

AFMADOW, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa maanta oo Isniin ah Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa kadib kulan gaar ah la qaatay sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow uga mahad celiyay Mahad iyo ciidanka uu hogaamiyo shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Jubaland.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Mahad Islaam fashilinta shirqoolka la doonayay in lagu burburiyo maamulka hadda ka jira Jubaland, oo khilaaf kala dhaxeeya dowladda Federaalka, oo duulaan ku qaadey Gedo.

Mahad ayaa dalacsiinta ku muteystay kadib markii sidda uu sheegay iska diiday hal milyan oo dollar, oo ay u balanqaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasin, taliyaha NISA hadii uu fududeeyo qorshe lagula wareegi lahaa Afmadow iyo Dhoobley, oo hadda Jubaland ka talisa.

Mahad oo ah taliyaha Daraawiishta Jubaland ee Afmadow ayaa daboolka ka qaadey in uu kahor tagay waxa uu ku tilmaamay "afgembi" ka dhan ah maamulka uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.

Taliyaha ayaa warbaahinta la wadaagay magacyada iyo taleefoon lambarada mas'uuliyiinta xiriirka lasoo sameeyay, ee ka dalbaday inuu u fuliyo dawladda Federaalka qorshaha ay ka damacsan tahay Jubaland. [Halkan ka akhriso warbixinta].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM