Axmed Madoobe oo eryay Wasiirkii amniga Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland, sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda maamul goboleedkaas.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan] uu "isku dhiibayo" dowladda Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey.

Wareegtada xil ka qaadista Janan ee kasoo baxdey xafiiska Axmed Madoobe ayaan lagu caddeynin sababaha keenay xil ka qaadista Janan.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u baahiyey in Janan uu wadahadalo la furay Villa Soomaaliya si gaar ah saraakiil wakiil ka agaa madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo.

Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa, sidda uu GO ogaadey, wuxuu degaanka Buula Xaawo oo Janan uu ku sugan yahay, wuxuu maanta u tegayaa dhameystirka heshiiska Cabdirashiid Janan.

Sidda ay xogaha caddeynayaan, Fahad wuxuu diyaarad ku tagi doonaa Doolow, halkaasoo uu kasii qaadan doono gaadiid nooca aan rasaastu karin oo shalay laga dejiyey halkaas.

Dhanka kale, maamulka Axmed Madoobe oo wadahadalo xal loogu raadinyo muranka doorashooyinka u jooga caasimada Muqdisho ayaan wali wax war ah kasoo saarin heshiiska sidda hoose u dhexmaraya maamulka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo iyo Janan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM