Axmed Madoobe oo ku wajahan Puntland [Ujeedka Safarkiisa]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan u ambabaxo magaaladda Garowe, ee caasimadda Puntland.

Illo xog-ogaal ah oo ku sugan Kismaayo, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in safarka Axmed Madoobe uu la xiriiro ka qeybgalka Munaasabada sanad guurada koowaad ee ka soo wareegatay marka la doorashada Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Waa socdaalkii ugu horeeyay oo Axmed Madoobe ku tago Puntland tan iyo doorashadiisii August 2019, waxaana ay kusoo beegmaysaa xili xiriirka Jubaland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aan wanaagsaneyn, islamarkaana ka dhex-jirin wax wada-shaqeyn ah.

Wararka ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni markii ay kulmaan kawada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo doorashooyinka la filayo 2020-2021 taasoo wali nooca ay noqon doonto aan la isku raacin.

Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay sharciga doorashooyinka, iyadoo ay jireen baaqyo ku aadan in dib u eegis lagu sameeyo qodobada qaar, gaar ahaan qodobka 53aad oo ogolaanaya mudo korarsi loo sameeyo madaxda DF, hadii doorasho dhici wayso.

Dowlad goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ay xubnaha ka yihiin inaysan ka talo-gelin dyaarinta sharciga cusub ee doorashooyinka qaranka, taasoo ay ku tilmaameen mid horseedaysa in doorasho aan loo dhameyn.

Waxaa sidoo kale dood ka taagan tahay qaabka lagu soo dooran doono kursiga Xildhibaanada cusub, hadii ay shacabka soo dooranayaan iyo in lagu noqonayo nidaamkii Ergada [51] oday qabiil inay codeeyaan.

Kursiga Madaxweynaha doorashadiisa ayaa waxay kala qeybisay madaxda sare ee dalka, oo shaki geliyay qaarkooda inay doorasho qof iyo cod dalka ka dhici karta sanadkaan, halka kuwa kale ay doonayaan in kumanaan qof oo shacabka matelaya in Muqdisho la isagu geeyo kadibna ay doortaan Madaxweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM