Axmed Madoobe oo kusii jeeda Dhuusamareeb isagoo ilaalinayaan Ciidan gaar ah

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa saakay kasoo duuley magaaladda Kismaayo, isagoo kusii jeeda Dhuusamareeb, halkaasoo laguw ado inuu Maanta ka furmo Shirka Madaxda Maamullada dalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa waxaa la socda xubno katirsan maamulka Jubaland, waxaana amnigooda sugaya Ciidamo gaar ah oo Kismaayo kasoo raacay, kuwaasoo uga hormaray qaarkooda magaaladda Dhuusamareeb.

Shalay waxaa Dhuusamareeb tagey Madaxweynaha HirShabeelle, iyadoo maanta la filayo in inta dhiman ay halkaasi gaaraan, kahor inta uusan shirka billaaban.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo midka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay gaaraan Dhuusamareeb

Maamulka Galmudug ayaa magaaladda ka saarey shalay Ciidankii DF ee Haramcad, kadib markii madaxda qaar ay joogitaankooda walaac ka muujiyeen, islamarkaana ay dalbadeen in laga daadgureeyo, sidoo kalena mas'uuliyadda amniga lagu wareejiyo kuwa maamulkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM