Axmed Madoobe oo la kulmay wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey caasimada KMG Jubaland ee Kismaayo.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah waxaa wehliyey safiiro ay kamid yihiin; Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

Sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda Jubaland, fadhigaan gaarka ah waxaa diiradda lagu saarey xaaladda uu haatan waddanka wajahayo iyo khilaafka doorashooyinka.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira".

"Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Jubaland ayaa dhowaan soo bandhigtay shan qodob oo ay sheegtay in ay kaga qeybgaleyso wadahadal kale oo laga galo khilaafka doorashooyinka kana mid tahay dhexdhexaadinta Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM