Axmed Madoobe oo laba arrimood ka digay kahor shirka Garowe

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo maanta dib ugu laabtay magaaladda Kismaayo kadib safar shaqo oo uu ku tegay xarunta Kenya ee Nairobi ayaa ka warbixiyey socdaalkiisa.

Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in mudadii uu ku sugnaa magaala madaxda dalka deriska ah uu la kulmay safiirada qaar kamida wadamada caalamka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

"Waxaan kawada hadalnay sidii dalka looga dhaqaajin meesha ay haatan taagan tahay … Soomaaliya tan iyo markii lasoo dhisay dowladii ku meel gaarka talaabo ayay horey u qaadeysa, gaabis ha u socotee," ayuu yiri.

- Farogelin -

Dhanka kale, hogaamiyaha waqtigiisa uu gabaabsiga yahay ayaa ku nuux-nuux saday in doorashada Jubbaland ay ku qabsoomeyso waqtigeeda, isaga oo meesha ka saareysay in dib loo dhigayo.

"Laakiin, waxaanu dooneynaa in ay dhacdo doorasho xor oo xalaal ah … oo aysan cidna farogelin ku sameyn," ayuu daba dhigay hadalkiisa, isaga oo u muuqda mid ka digaya in gacma-gacmeyn Villa Soomaaliya ka timaada.

- Khal-khal gelin amni -

Isaga oo sii hadlaya ayuu madaxweyne Axmed Madoobe cod dheer uga digay falal lidi ku ah nabad-gelyadda oo uu ku carabka ku adkeeyay in laga soo abaabulayo magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

"Walaac ayaan ka qabnaa in Muqdisho nooga yimaadaan wax amniga u dhimaya … cidbaa mas'uuliyadda qaadi doonta … sax ma ahan in deganaanshiyaha iyo damaca la isku qaldo," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay Shirkii uu ic-laamiyey madaxweynaha dowlada Puntland ayaa daboolka ka qaaday in looga hadli doono amniga, siyaasada, doorashada, dastuurka iyo xaalada guud ee dalka.

Shirka oo la sheegay in uu yahay mid wadatashi ah ayaa u dhaxeeya madaxda dowlada federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyadda.

"Waxaan rajeynayaa in ay kasoo baxaan shirkaasi qodobo wax tar u leh dadka iyo dadka Soomaaliyeed," ayuu xusay madaxweyne Axmed Madoobe, oo la fahansan yahay in uu u taagan yahay doorashada Jubbaland ee bisha Agoosto.

Shirka uu ku dhawaaqay Deni ayaa lagu wadday in uu maanta oo Khamiis ah ka furmo Garowe balse waxa uu dib ugu dhacay wufuuda oo aan soo xaadirin inkasta oo la filayo in maalmaha soo aadan uu qabsoomo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM