Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Arbacada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mas'uuliyiinta dowladda federaalka ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa ka baaqsaday in ay ka qeybgalaan soo dhaweynta Axmed Madoobe.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa talaabadaas. Hasa ahaatee, waxaa loo aaneynayaa xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya Jubaland iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Kahor inta uusan kasoo degin garoonka Aadan Cadde, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa iska soo horumariyey ilaaladiisa gaarka ah kuwaas oo sugaya nabad-gelyaddiisa.

Telefishinka ku hadla afka dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in amniga Axmed Madoobe ay sidoo kale sugi doonan ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidda uu tabiyey telefishinka Jubaland TV, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa loo diyaariyey hoy ku dhow xeyndaabka madaarka Aadan Cadde halkaas uu ka dagi doono Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa kamid ah madaxda dowlad goboleedyadda ee ka qeybgalaya shirka maalmaha soo aadan bilaaban doona ee looga hadlayo xalka is-mari-waaga doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM