Axmed Madoobe oo ka walaacsan xiriirka liita ee DF iyo maamulada

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Jubaland ayaa walaac ka muujiyey xiriirka liita ee dowladda iyo maamulada.

Shirka oo todobaadle ah kana soo qeybgaleen wasiirada badankooda ayaa ku qabsoomay Kismaayo, oo ah magaalo madaxda ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedkaas.

Ugu horeyn, Axmed Madoobe oo ka hadlay kulanka ayaa dulmar ku sameeyay xaalada guud ee dalka si gaar ah amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka soo aadan.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wada shaqayn la'aanta dowladda iyo maamulada ay saameysay amniga iyo doorashooyinka.

Hanaanka doorashooyinka ayuu ku nuux-nuux saday in ilaa hadda aan wax hormar ah laga samaynin, isagoo xukuumada federaalka ku eedeeyay in ay isku koobtay talada.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 ayuu qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa laga muujinayaan shaki kadib markii la ansixiyey "sharci aan loo dhameyn".

Dhinaca kale, Gudiga dakhliga ee Jubaland ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada dhaqaalaha iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kadib warbixinta wuxuu faray in hanaanka canshuuraha iyo dakhli abuurida la xoojiyo sanadkan bilowga ah.

Wasaarada Xanaanada ayaa waxay soo bandhigtay warbixin ku saabsan shir looga hadlay hanaanka talaalka xoolaha iyo sidii loogu mari lahaa qaab lagula socdo caafimaadkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM