Axmed Madoobe oo xog ku kordhiyey sababta DF u xirtay wasiir Janan

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa xog dheeraad ah ku kordhiyey sababta dowladda Soomaaliya u xirtay Wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan.

Isagoo dadweyne kula hadlay munaasabad ka dhacday Boosaaso, Axmed Madoobe ayaa adkeeyay in qabashada Janan ay baalmarsan tahay shuruucda iyo dastuurka qabyadda ah ee waddanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wasiir Janan uu u xiran yahay "maxaad u ogolaatay in Jubaland ay doorasho ka dhacdo?".

Isagoo sii hadlaya, Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in sidoo kale loo beegsaday in uu Villa Soomaaliya ka diidey "abuurista rabashado".

"Ma ahan dambi uu galay waxa loo haysto kaliya waxa weye in uu ogolaaday in uu ciidamo shisheeye u yeeran waaye iyo in uu burbur ka shaqeeyo, intaas ayaa xuquuqdiisa loo haystaa," ayuu xusay.

Bishii August, 2019, wasiir Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo kusii jeeday Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, kana soo duulay magaalada Doolow..

Xukuumadda federaalka ayaa qabashadiisa u cuskatay "in uu ku lug-yeeshay dambiyo culus oo ka dhacay gobolka Gedo".

Bishii October ayuu kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir, wallow qareenadiisa loo diiday in ay la kulmaan.

Jubaland ayaa xarigiisa ku tilmaamtay "afduub iyo mid siyaasadeysan" waxayna codsatay in xorriyadiisa loo celiyo.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa si gaar ah ula dardaarmay shacabka Boosaaso oo muddooyinkii dambe dowladda federaalka Soomaaliya isku dayeysay in ay marin-habaabin ku sameyso.

"Maamulka oo lala shaqeeyo, laamaha ammaanka oo laga gacan-siiyo tir-tirka argagixisada iyo cidda guriga soo galeysa oo irida kasoo gasha," ayuu ku booriyay dadweynaha xarunta gobolka Bari.

Ugu dambeyntii, isagoo Farmaajo ku eedeeyay in uu diidey wada-hadalo uu la galo Jubaland, Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin wax kasta oo dhinac marsan sharciga.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM