Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo yeeshay guddoon ku meel gaar ah

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Mudaneyaasha baarlamaanka labaad ee Galmudug oo fadhigii ugu horeeyay maanta oo Axad ah ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb ayaa doortay guddoon ku meel gaar ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da'da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uu noqdo.

Keynaan ayaa xilka sii hayn doona inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda maamulkaas.

Mr Xalane ayaa kamid ahaa baarlamaankii ku meel gaarka ee dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Lama shaacin waqti rasmi ah oo loo muddeeyay in ay ku qabsoomeyso doorashadda gudoonka baarlamaanka Galmudug.

Hase ahaatee, wararku waxay sheegayaan in lagu dhawaaqi doono jadwalka doorashadda maalmaha soo aadan.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay iyaddoo la sheegay in la qabtay shaqsiyaad laga shakiyey basle damiin lagu sii daayey.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] uu horey u shaaciyey in uusan aqoonsaneyn baarlamaanka, isla markaana uu Gaalkacyo kawaddo abaabulka doorasho kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM