Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo su'aallo waydiiyey wasiiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa su'aallo waydiiyey laba xubnood oo ka tirsan xukuumadda.

Wasiiradda Amniga iyo Duulista Hawada ayaa hortegay Aqalka Hoose oo fadhi caadi ah ku yeeshay xaruntiisa magaaladda Muqdisho.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Maxamed Salaad Oomaar ayaa wax laga waydiiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka.

Xildhibaanadda ayaa wasiiradda hordhigay su'aallo adag oo ku saabsan ammaanka, duulimaadka iyo xayiraadyo la saarey siyaasiyiin mucaarad ah.

Labadda wasiir ayaa kala qaatay dhowr daqiiqadood si ay uga jawaabaan su'aallaha oo ka imaanaya Xildhibaanadda oo fursado isku mida la siiyey.

Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ku xigeenka afhayeenka Golaha Shacabka, ayaa guddoomiyey kulanka oo ay soo xaadireen xubno badan.

Maalinta Axadda ah ee todobaad kasta ayaa guddoonku horey u shaaciyey in ay goluhu hortagayaan xubno ka tirsan Laanta Fulinta si ay ula xisaabtamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM