Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo su'aallo waydiiyey wasiiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa su'aallo waydiiyey laba xubnood oo ka tirsan xukuumadda.

Wasiiradda Amniga iyo Duulista Hawada ayaa hortegay Aqalka Hoose oo fadhi caadi ah ku yeeshay xaruntiisa magaaladda Muqdisho.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Maxamed Salaad Oomaar ayaa wax laga waydiiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka.

Xildhibaanadda ayaa wasiiradda hordhigay su'aallo adag oo ku saabsan ammaanka, duulimaadka iyo xayiraadyo la saarey siyaasiyiin mucaarad ah.

Labadda wasiir ayaa kala qaatay dhowr daqiiqadood si ay uga jawaabaan su'aallaha oo ka imaanaya Xildhibaanadda oo fursado isku mida la siiyey.

Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ku xigeenka afhayeenka Golaha Shacabka, ayaa guddoomiyey kulanka oo ay soo xaadireen xubno badan.

Maalinta Axadda ah ee todobaad kasta ayaa guddoonku horey u shaaciyey in ay goluhu hortagayaan xubno ka tirsan Laanta Fulinta si ay ula xisaabtamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM