Baarlamaanka Jubaland oo doonaya in dib loosoo doorto xili ay jirto xiisad

Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa Axadii magaaladda caasimada ku meel gaarka u ah ee Kismaayo kulan kula yeeshay qaar kamida Odayaasha Dhaqanka degaanada maamulkaasi.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, kulankaasi waxaa soo agaasintay Madaxtooyadda maamulka Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Dulucda shirka ayaa waxay ahayd in Xildhibaanada haatan shaqeeya ay ka socdaan hogaanka dhaqanka in ay dib u soo doortaan.

Mudanayaasha oo goobta ka hadlay ayaa qiil ka dhigtay in ay waqti adag kusoo shaqeeyeen, isla markaana ay iyagu isu arkaan kuwa maamulka sii wadi kara.

Gudoonka oo madasha ka hadlay oo ayiday dalabka Xildhibaanada ayaa ka digay in doorashada Jubbaland la farogeliyo, lana sameeyay falal liddi ku ah amaanka.

Tani ayaa waxay kusoo aadeysa iyadda oo ay jirto xiisad culus oo ka dhalatay qaabka loo sameynayo soo xulista Xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Siyaasiyiinta ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada oo loo xil-saaray arrintaan ay soo xulanayaan kaliya xubnha u coddeynaya madaxweyne Axmed Madoobe.

Inkasta oo uu Guddiga iska fogeeyay in uu dhinac u jaran-jeero, haddana wuxuu qiray in saddex xubin oo iyaga kamida soo xulayaan xubnaha cusub.

Dhowr illo wareed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in sababtaan darteeda ay keentay dib u dhac ku yimaada arrintaan, wallow dib loo bilaabi doona dhowaan.

Sikastaba ha ahaatee, sharcidejiyaasha haatan shaqeeya ee Jubbaland ayaa ah kuwa xiriir la leh Axmed Madoobe, oo cadaadis culus kala kulmaya Madaxtooyadda Soomaaliya oo taageereysa murashaxiinta qaar.

Horaantii todobaadkaan ayay ahayd markii safiirka UK oo tegay xarun goboleedka Jubada Hoose uu ka digay in la farogeliyo doorashada Jubbaland xili Axmed Madoobe uu danjiraha kaga cabaday xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM