Baarlamaanka PL oo qorshe cusub u dejiyay ansixinta Wasiirada la magacaabayo

Image

MUQDISHO, Somalia - Gollaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inay kali-kali u meel-mariyaan xubnaha cusub ee Wasiirada oo la filayo inuu soo magacaabo Madaxwaynaha cusub Saciid Cabdullaahi Deni.

Mr Deni oo heystay dastuuriyan 21 cisho oo la bilaabaneysa markii la doortay 8-dii bishaan ayaa heli kara muddo kordhin taasoo oo ka dalban karo Sharcidejinta oo kadibna ogolaansho ama naqdin karta.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore oo kamid ah Baarlamaanka cusub ayaa ku tilmaamay ujeedada laga leeyahay arrintaan inay xukuumada cusub ay noqoto mid tayo leh oo shaqo hufan qabata.

"Xubno Gollaha ka tirsan ayaa soo jeediyay inagana waan ku raacnay," ayuu u sheegay VOA-da laanteeda afka Soomaaliya, isaga oo meesha ka saarey inay gadaal ka riixayaan Mudanayaal kasoo horjeeda dowladda cusub.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in laaluush ku qaadayaaan ansixinta wasiirada cusub, kuwaasi oo uu kalsooni fiican ka muujiyay inay noqdaan kuwa u adeegaya danaha Umada DPL.

Dhanka kale, xaflada caleema saarka Madaxwayne Deni oo kusoo baxay 35 cod oo wareegii 3aad ee mid kamid ah doorashooyinkii ugu dimuqraadisanaa Puntland, ayuu daboolka ka qaaday inay qabsoomeysa 26-ka bishaan.

Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ka kooban 66-xubnood ayaa lagu soo xulay nidaamka qabiilka oo uu maamulkaan 20-sano jirtay ku guda jiray mudadii uu aas-aasnaa, balse, dowlada cusub waxay balanqaaday in laga gudbi doono.

Gabagabdii, Xildhibaan Dhoore oo arrintaan dul-istaagay ayaa rajo balaaran ka muujiyay, isaga oo carabka ku adkeeyay inay qayb ka tahay Barnaamjika siyaasadeed ee Madaxwaynaha cusub, Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM