Baarlamaanka Soomaaliya oo go'aan kasoo saarey maqaamka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoonka baarlamaanka 10aad ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku adkeystay in uu xal u heli doono qabyo tirka dastuurka iyo maqaamka magaaladda Muqdisho.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose, oo ku hadlay afka labada gole, ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabada xiritaanka kalfadhiga 6aad ee golaha oo ka dhacday Muqdisho.

Kalfadhiga 7aad ayaa loo balansan yahay in uu furmo bisha April ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

Shaqadda muhiimsan ee hortaala kalfadhiga 7aad ayuu ku qeexay dhameystirka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka ah ayuu xusay in ay ku mashquulsan tahay sidii ay xeer-dejinta ugu soo gudbin lahayd Golaha Adeega Garsoorka.

"Maqaamka Muqdisho ama magaalada Muqdisho mudnaanteeda. Qodobka 9aad ee dastuurka ku meel gaarka ah 'Muqdisho waa magaala madaxda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Maqaamka magaalada Muqdisho-na waxaa la yiri waxaa looga hadli doonaa dib-u-eegista dastuurka ku meel gaarka ah, dastuurka waa mid aan hadda ka hadleyno isla markaana labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa xeer kusoo saari doono".

"Marka dastuurka waxyaabaha nooga xiran markaad aragtaan waa waxyaabo aad u weyn laga soo bilaabo 2011-kii in meel la saari waayo, taasi waxaan is-leeyahay Soomaali ku qanci-meyso in baarlamaanka 10aad uu ku dhameysto iyaddoo aan la dhameystirin dastuurka," ayuu xusay.

Hadalka Mursal ayaa imaanaya xili dowlada Farmaajo "qorsheyneyso in ay si boobsiis ah" ku fuliso balanqaayadii uu madaxweynuhu ku sameeyay olihiisa, wallow qaarkood uu ku fashilmay.

Balanqaayadda waxaa kamid ah helista maqaamka Muqdisho, dhameystirka dastuurka, ammaanka iyo wadashaqeynta maamul goboleedyadda. Mudda xileedka Farmaajo ayaa wuxuu dhamaanaya Febraayo, 2021.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM