Badmaaxe reer Iiraan ah laguna haystay Soomaaliya oo lasii daayey

Image

TEHRAN, Iran – Iiraan ayaa Sabtida maanta ah shaacisay in ay xorriyadiisa u soo laabatay badmaaxe dalkaas u dhashay oo Soomaaliya lagu haystay.

Mohamed Sharif Panahandeh, oo afar sano iyo bar lahayste ahaa, ayaa ku xiranaa nawaaxiga magaala xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Panahandeh, xaaladiisa caafimaad liidato, ayaa waxaa lagu wadaa in uu maalmaha soo aadan dib ugu laabto magaaladda caasimadda ah ee Tehran.

Safaaradda Iiraan ee waddanka Itoobiya ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ka shaqeysay sii deynta ruuxaan, oo la shaqeynayey Dooni kalluumeysi.

Seyyed Abbas Mousavi, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran, ayaa xusay in Panahandeh looga qaadi doono tijaabo caafimaad Addis Ababa.

"Isaga wuxuu kamid ahaa afar badmaaxe Iiraaniyiin ah oo lagu haystay xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo aan soo badbaadinay," ayuu ku daray afhayeenka.

Sikastaba, Doonta uu la shaqeynayey shaqsiyaadkan oo magaceedu yahay FV Siraj ayaa waxaa la qafaashay 22-ka bishii Maaj ee sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM