Badmaaxe Koonfur Kuuriyaan kasoo howlgalay Soomaaliya oo la dilay

Image

SEOUL, South Korea – Hal badmaaxe reer Kuuriyada Koonfureed ah ayaa dhintay, afar kale way dhaawacantay intii lagu guda jiray xaflad soo dhaweyn ahayd oo loogu bogadinayey kasoo laabashadooda howlgal dibada ah.

Choi Young oo ku dhintay shil ka dhex-dhacay xerada Chinhae lagu soo dhaweynay ayaa ka tirsanaa howlgalka ka dagaalanka burcad badeda ee Soomaaliya, sidda ay sheegayso warbaahinta maxaliga ah.

22-jirka badmaaxiga ah ayaa laga soo saarey meydkiisa gudaha saldhiga ka gedaal markii wajiga looga dhuftay xarig xoogan, sidda uu sheegay taliska ciidanka badda wadankaasi Koonfur Kuuriya.

Saddex badmaaxe kale iyo sarkaal sarre ayaa ku waxyeeloobay shilka, balse dhaawacooda ma ahan mid halis ku ah noloshooda, sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka taliska uu soo saarey.

Young ayaa muddo lix bilood ah waxa uu ka howlgalayey meel ka baxsan biyaha Soomaaliya, waxa uuna ilaaliye u ahaa Maraakiibta, isaga oo sidoo kale ka qayb qaadan jiray howlgalada ka dhanka ah shufta badeeda.

Taliska Ciidamada Badda wadanka Koonfur Kuuriya ayaa wuxuu shaaciyey in ay baaritaan ku bilaabeen sababta dhalisay shilka, wallow ay meesha ka saareen in uu tuhun jiro.

Xubnahaan ayaa ka tirsanaa xerada Chinhae oo sidoo kale fariisin u ah ciidanka badda Mareykanka si lamida ah Dugsiga Tababarka ciidamada cirka Koonfur Kuuriya, waana saldhiga ugu wayn dalkaasi.

Howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya oo socda tan iyo 2011-dii ayaa waxaa lagu eedeeyaan dalalka ciidamada ku leh in ay xaalufiyaan kalluunka, isla markaana aysan daacad ka ahayn shaqada ay hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM