Bandow la geliyey Dhuusamareeb iyo Galmudug oo war beenisay

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Saraakiisha amniga Galmudug ayaa shaaciyay inay bandow kusoo rogeen magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud oo maalinta berri ah ka furmayo shirka madaxda maamulada.

Bandowga waxaa loogu tala-galay in lagu sugo amniga magaaladda, maadaama ay martigelinayso shir heerkiisu sareeyo, oo kulminaya shanta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada dalka, kuwaasoo maanta la filayo inay halkaasi gaaraan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Bandowga uu saameyn ku yeelan doono dhaq-dhaqaaqyada Bulshada, Ganacsiga iyo isku socodka aadiidka, iyadoo gudaha magaaladda lagu daadiyay Ciidamo dheeraad ah, oo loogu tala-galay inay xoojiyaan amniga.

Dhinaca kale, Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in Madaxweyne Qoor-Qoor laga dalbaday inuu Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad ka saaro Dhuusamareeb, islamarkaana uu mas'uuliyadda amniga ku wareejiyo kuwa maamulkiisa.

Shirka Dhuusamareeb ayaa lagu go'aamiyay qabashadiisa kulan khadka Internet-ka ay 6dii bishaan ku yeesheen Madaxda maamullada, maalin kadib markii uu fashilmay kulankii ka dhici lahaa Muqdisho, ee uu Farmaajo ku dhawaaqay bishii lasoo dhaafay inuu martigelinayo.

Madaxda maamullada ayaa lagu wadaa inay kawada hadlaan arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin qodobada khilaafka ka taagan ee doorashadda dalka iyo dastuurka dhameystirkiisa, kaasoo muhiim u ah xalinta mushkiladda siyaasadeed ee wadanka.

Maamullada iyo Xisbiyada siyaasadeed ayaa kasoo horjeestay warbixintii Xaliima Yareey ee dib u dhigida doorashadda, taasoo lagu micneeyay mudo korarsi ay damacsan yihiin madaxda haatan talada haysa, oo shan bilood u hartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM