Bangi 25 milyan oo Doolar u siinaya DF la dagaalanka Coronavirus

Image

ABIDJAN, Ivory Coast – Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ogolaadey in uu 25.1 milyan oo Doolar u siiyo Dowladda Soomaaliya la dagaalanka Covid-19, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Baankaas.

Lacagtaan oo ka kala imaaneysa waaxyada Kaalmada kala guurka ah iyo ka jawaabida musiibada Covid-19 ayaa la filayaa in lagu wareejiyo xukuumadda federaalka.

Nnenna Nwabufo, ku simaha agaasimaha Bariga Afrika ee Bangiga, ayaa sheegtay in ay u bixinayaan lacagtaan sidii loo xaqiijin lahaa in cudurka uusan waxyeeleyn qaybaha dhaqaalaha, caafimaadka iyo bulshada.

"Waa markii ugu horeysay oo dakhli kasoo xaroodey gobolka loo isticmaalo taageerida miisaaniyad," hadalkeeda raacisay.

Dowladda Soomaaliya oo laga doonayo in ay soo gudbiso dukumiintiyo caddeynaya qaababka loo isticmaalay lacagta ayaa u adeegsan doonta in ay ku maareyso howlaha kala duwan ee la xiriira xakameynta Covid-19.

Kaalmadaan ayaa kamid ah dedaalada caalamiga ah ee ka hortagga xanuunkaan oo bishii Maaj laga xaqiijiyey gudaha waddanka kiisaskii ugu horeeyay oo xanuunka la xiriira.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa horey u qirtey in Covid19 uu hoos u dhigay dakhliga gudaha ayna ugu wacan tahay xayiraadyadda duulimaadyadda iyo hakadka ku yimid lacagihii dibadda laga soo diri jiray.

Tobbankii sano halmar Bangiga Horumarinta Afrika ayaa bixiya taakulo noocaan ah, waxaana ay qayb ka tahay xusul-duubka loogu jiro in qaaradda ka korto ku tiirsanaanta shisheeyaha iyo in ay hehso hay’addo dhisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM