Bangiga Aduunka oo riixaya qorshe ay ka faa'iideysan karto Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Coronavirus ayaa wuxuu dalalka qaar u horseedi karaa qalalaase ka badan deynta lagu leeyahay, marka maalgashatada waa in ay ku caawiyaan deeq ay ku jirto qaan-dhaafka, sidda uu Baanka Aduunka codsaday.

Madaxweynaha Bangiga Aduunka, David Malpass oo hadaladaas laga soo xigtay, ayaa riixaya qorshahaan oo ay ka faa'iidi karto Soomaaliya maadaama ay kamid tahay wadamada qaanta badan ee caalamiga ah lagu leeyahay.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa wadar ahaan waxaa lagu qeexay in ay gaareyso ku dhowad 5 bilyan oo Doolar-ka Mareykanka ah. Xukuumadda waxay wadaa dedaalo ay dalalka uga dhaadhicineyso in ay ka dhaafaan.

Mareykanka ayaa bishii hore wuxuu shaaca ka dhigay in uu ka cafinayo Soomaaliya aduun dhan bilyan oo deyn ahaa uu ugu leeyahay.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, sii-haayaha wasiirka maaliyada, ayaa wariyey in talaabada Washington ay qeyb tahay wadahadalo ay dowlado kale kula jiraan si ay uga dhaafaan deynta horeyna uga soo gudbeen shirarkii guud.

Baanka Aduunka ayaa horey ugu baaqay wadamada deynta ku leh Soomaaliya in ay ka cafiyaan maadaama ay ka gudubtay shuruudihii la hor-dhigay.

Madaxweyne Malpass oo dowladaha hodanka ah ku booriyey in ay adheecaan baaqiisa ayaa ka digay in hadii aan talaabadaas lagu dhaqaaqin ay gaajo wajihi karaan 100 milyan oo ruux marka la gaaro bisha August ee 2021-ka.

"Way iska cadahay in dalalka qaar aysan awoodin in ay dib u bixiyaan deynta ay qaateen. Sidaas daraadeed, waxaa nagu waajib ah in aan dhino heerka qaanta. Tani ayaa loogu yeeri karaan qaan dhaaf ama dhimitaan," ayuu Malpass ku sheegay wareysi uu siiyey wargeyska ganacsiga faaqida Handelsblatt.

Soomaaliya hadii deynta laga dhaafo waxaa kusoo hiran doonan hay'addaha maalgelinta caalamiga ah. Si lamid ah, waxaa loo fasixi doonaa in ay qaadato deyn kale, wallow aysan meesha ku jirto shuruudo adag oo la hor-dhigi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM