Bangiga Dhexe oo Madax looga dhigayo Nin Ajnabi ah iyo dood ka dhalatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo magacaabida gudoomiyaha cusub ee Bangiga Dhexe ee Somalia, xilkaasi oo mudo bilooyin ah banaanaa, islamarkaana lagu xayeesiiyay warbaahinta caalamka ah bishii August 2017.

Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay xilkan u magacaabeysa nin ajnabi ah, oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaasoo lagu magacaabo, Nigel Roberts.

Gollaha Shacabka ayaa maanta dib u dhigay kulan ay Xildhibaanada uga codeyn lahaayeen wx ka bedelka sharciga Hanti Dhowrka Guud iyo xeerarka Bangiga Dhexe, si loo sharciyeeyo in qof ajnabi ah loo dhiibi karo xilka Gudoomiyaha Bangiga Dhexe.

Xildhibaano ayaa dood ka keenay in qof ajnabi lagu aamino Bangiga Dhexe ee dalka, oo ah halka ay ku dhacaan Dakhliga dowladda gudaha ka hesho iyo deeqaha caalamka uu siiyo, iyadoo ay jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed, oo shaqada qaban kara.

Mahad Salaad, oo katirsan Gollaha Shacabka ayaa ku tilmaamay tallaaban Beec-geyn Bangiga Dhexe, islamarkaana ah mashruuc bilowgiisa la arkay, laakiin dhamaadkiisa cidi aysan ogeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM