Bankiga Dhiiga ee Somalia oo dib loo howlgelinayo [Daawo]

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in mid kamid ah qorshayaasha waawayn oo ay fulineyso sanadkaan 2019 ay kamid tahay dib uhowlgelinta Bankiga dhiiga ee qaranka.

Wasiirka wasaaradaasi, Dr Fowziyo Abiikar Nuur, oo warbaahinta la hadashay waxay sheegtay inay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay oo ay ku fulin lahaayeen, iyada oo kalsooni wayn ka qabta arrintaan.

Hadalkaan ayay wariyaashu siisay kadib kulan ay xarunta wasaaradda kula yeesheen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna Sii-hayaha xilka wasiirka 1aad ee xukuumada, Mahdi Maxamed Guuleed [Qadar].

Shirkaasi oo saacado qaatay ayaa ujeedkiisu ahaa si loo daahfuray qorshayaasha hal-tabinta leh oo ay wasiirada XFS iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ku balameen inay dhaqan-geliyaan sanadkaan 2019 .

"Halbeegyada kale ee na horyaala waxaa kamid ah inaan la wareegno isbitaalada Banaadir iyo midka ciidamada xooga dalka iyo inaan qalabeyno xarunta ilaalinta daawooyinka," ayay Dr Fowziyo hadalkeeda ku dartay.

Bankiga dhiiga oo howlaha uu qabto ay tahay keydinta dhiiga noocyadiisa kala duwan si loo adeegsado marka ay timaado xaalad deg-deg ah ayaa kamid ah hay'addihii ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wasiir Fowziyo ayaa inta ay ku guda jirta shirka jaraa'id ma aysan soo bandhigin hadii ay gacanta ku hayaan cidii maalin-gelin lahayd Bankiga dib-u-howlgelintiisa.

Dib-u-dayactirkiisa oo in muddo qaadan karto, lana ogeyn in xariga laga jari karo sanadkaan ayaa caqabadaha ugu waawayn ee soo wajihi karo waxaa kamid ah maaliyadeed, taasoo ka dhigan in kaalmo caalami ah loo baahnaan doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM