Barlamanka Federaalka oo tageeray go'aanka hub ururinta

Image

Baarlamaanka DF ayaa taageeray go'aanka hubka sharci daradda ah looga arurinayo magalada Muqdisho kaasoo maalmihii lasoo dhaafay si wayn looga dareemayay xaafadaha magaladaasi.

In ka badan shan boqol oo qori iyo rasaastoodii ayay ciidanku kusoo qabteen dad gaar u haystay iyo goobo lagu qariyay waxana ka mid ah meelaha hubkan laga soo saaray guriga gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo la sheegay inuu xiran yahay.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka ayaa xukumadda Cabdiwali Shiikh Axmed looga codsaday inay hor keenaan sharciga lagu doonayo in lagu joojiyo hubka sharci daradda ah ee Muqdisho ku fidsan, waxaana uu u qoraa sidatan:

1- In xukuumaddu xaqiijiso sharciga la xisaabtanka laamaha amniga qaranka, si loo ilaaliyo sarraynta sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

2- In hawl-gallada xakamaynta hubka ay ka wada shaqeeyaan laamaha amniga, xafiiska xeer Ilaaliyaha guud iyo laanta garsoorka dalka.

3- In deg-deg Baarlammaanka loogu soo gudbiyo hindise sharciyeedyada xakamaynta hubka iyo warbaahinta dalka, si loo ansixiyo.

4- In ciidammada dalka oo dhan la baro nidaamka ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee aadanaha,  iyo

5- Inay xukuumaddu dalka oo dhan gaarsiiso siyaasaddeeda xakameynta hubka.

Warsaxaahafeedka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay, in guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya ay Xildhibaannada qaranka ka codsanayaan in ay xukuumadda gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkeeda qaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi: Diyaaradaha F-16 waxuu Turkiga usoo diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Turkey ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada tababarka ciidan.

  • Soomaliya

    04-02-2026

  • 11:58AM

Cirro: Waxaan rajeynayaa in Trump “maalin uun” aqoonsan doono Somaliland

Somaliland waxay sidoo kale iskaashi la leedahay UAE, iyadoo DP World ay tahay maalgashade weyn dekedda Berbera. 

  • Soomaliya

    04-02-2026

  • 11:26AM