"Baxsashada Janan oo caddeysay 3 sifo oo ay leeyihiin madaxda DF"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag kaga falceliyey warka ku saabsan "baxsashada" wasiir Cabdirashiid Janan.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Wadajir ayaa soo bandhigay saddex sifo oo caddeyn u noqoneysa talaabada ay qaadey dowladda federaalka ah.

Iyadoo xaqiiqada warkaas shaki gelisay Jubaland, sifooyinkaas ayuu ku sheegay "karti xumida, aqoon darrida iyo waaya aragnimo la’aanta".

Warsame, oo qoraal soo dhigay Facebook-ga, ayaa soo jeediyey in "gacanta la qabto madaxda xukuumada kahor inta aysan dejin doonta".

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga


Bishii April 2019 Maxkamadda Banaadir oo sida ay sheegtay xeerinaysa danta guud ee caddaaladda iyo codsi kaga yimid Xeer Ilaalinta ayaa soo saartay go’aan ay ku xirayso gal dacwadeed-kii C/rashiid Janan, wasiirkii amniga Jubbaland.

August 2019, ciidanka Nabadsugidda ayaa gegida diyaaradaha Aadan Cadde ka qabtay C/rashiid Janan, iyagoo sheegay in danbiyo loo haysto.

Maantana [28-ka Janaayo, 2020] waxay dowladdu la shir timid in Janan uu xabsiga ka baxsaday.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa shacabka Soomaaliyeed u sii caddaanaya karti xumida, aqoon darrida iyo waaya aragnimo la’aanta madaxda Dowladda Federaalka ah ee hoggaanka dalka haya.

Falalka sharci ku tumashada ah ee ay ku kacayan waxay dhaawacaysaa kalsoonidii iyo aaminaaddii ay shacabka ku qabi lahaayeen hay’adaha dowladda.

Waxay dilaysaa xurmadii iyo haybaddii dowladnimo, waxayna god dheer ku ridaysaa rejadii laga lahaa dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo caddaalad, Dastuur iyo sarreyn sharci ku dhisan.

Dhammaanteen waxaa xil naga saaranyahay in aan gacmaha qabanno si aysan noola dejin doonta aan wada saarannahay, iyaguse ay naaquudaha ka yihiin.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM