"Baxsashada Janan oo caddeysay 3 sifo oo ay leeyihiin madaxda DF"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag kaga falceliyey warka ku saabsan "baxsashada" wasiir Cabdirashiid Janan.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Wadajir ayaa soo bandhigay saddex sifo oo caddeyn u noqoneysa talaabada ay qaadey dowladda federaalka ah.

Iyadoo xaqiiqada warkaas shaki gelisay Jubaland, sifooyinkaas ayuu ku sheegay "karti xumida, aqoon darrida iyo waaya aragnimo la’aanta".

Warsame, oo qoraal soo dhigay Facebook-ga, ayaa soo jeediyey in "gacanta la qabto madaxda xukuumada kahor inta aysan dejin doonta".

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga


Bishii April 2019 Maxkamadda Banaadir oo sida ay sheegtay xeerinaysa danta guud ee caddaaladda iyo codsi kaga yimid Xeer Ilaalinta ayaa soo saartay go’aan ay ku xirayso gal dacwadeed-kii C/rashiid Janan, wasiirkii amniga Jubbaland.

August 2019, ciidanka Nabadsugidda ayaa gegida diyaaradaha Aadan Cadde ka qabtay C/rashiid Janan, iyagoo sheegay in danbiyo loo haysto.

Maantana [28-ka Janaayo, 2020] waxay dowladdu la shir timid in Janan uu xabsiga ka baxsaday.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa shacabka Soomaaliyeed u sii caddaanaya karti xumida, aqoon darrida iyo waaya aragnimo la’aanta madaxda Dowladda Federaalka ah ee hoggaanka dalka haya.

Falalka sharci ku tumashada ah ee ay ku kacayan waxay dhaawacaysaa kalsoonidii iyo aaminaaddii ay shacabka ku qabi lahaayeen hay’adaha dowladda.

Waxay dilaysaa xurmadii iyo haybaddii dowladnimo, waxayna god dheer ku ridaysaa rejadii laga lahaa dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo caddaalad, Dastuur iyo sarreyn sharci ku dhisan.

Dhammaanteen waxaa xil naga saaranyahay in aan gacmaha qabanno si aysan noola dejin doonta aan wada saarannahay, iyaguse ay naaquudaha ka yihiin.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM