Bayle oo sharaxaad ka bixiyey kulankii ay la yeesheen Muuse Biixi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Talaabo dhif iyo naadir ah, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa iyadda oo is-fahamwaa uu taagan yahay waxay la kulmeen madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Inkasta oo munaasabada ay isku arkeen aysan ahayn madal-siyaasadeed, haddana hadal-hayn xoog leh oo ka dhalatay ayaa dhalisay in lagu lifaaqo siyaasadda, maadaama kala aragti duwanaashiyo ay jirto.

"Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad iyo dib u heshiisiin waarta," ayuu hadalkiisa ku bilaabay Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda oo qayb ka ahaa is-gacan-qaadka ka dhacay Xajka.

Bayle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareega Twitter-ka ayaa wuxuu tilmaamay in aysan jirin wax xuduud ah oo dhextaala Soomaalida.

"Tani (kulanka) waa fariin ka timid dhamaan Xujeyda ku sugan Xaramka, iyadda oo aysan jirin wax reeban. Goorta waa waqti xaadirkan," ayuu ku daray hadalkiisa isaga oo xusaya sida loogu baahan yahay wada hadal.

Wasiirka Lacagta xukuumadda federaalka ah oo ah mid kamid ah xilalka ugu muhiimsan dalka ayaa degaan doorashadiisu waxay tahay dhinaca waqoyga wadanka.

"Gebi ahaanteena waa in aan u guntanaa sidii aan raadin lahayn dib u heshiisiin kama dambeys ah oo macno leh misana dhab ah," ayuu hoosta ka xariiqay.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegta madax banaani tan iyo sanadkii 1991-dii, balse wadamada caalamka waxay u arkaan maamul toostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Tani waa fariin ka timid Xaramka," ayuu hadalkiisa kusoo gunaanuday, Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo u muuqda mid soo jeedinaya in la karaar-siiyo wada hadaladda labada dhinac ee hakadka ku jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM