Beesha Caalamka oo ka hadashay shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya oo Sabtida maanta ah war kasoo saarey shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxay shaaciyeen in ay soo dhaweynayaan.

Shirkan oo habeenimadii Khamiista ka furmay magaaladda Dhuusamareeb ayaa wuxuu u dhaxeeyaa bulshooyinka ku midoobay dhismaha dowlad goboleedkaasi.

Bayaanka Beesha Caalamka uu nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa lagu dalbadey in shirka uu noqon mid loo dhan yahay, oo horseeda doorasho xor ah.

Doorashadda oo murashaxiin kala duwan ay u taagan yihiin ayaa waxaa lagu wadaa in ay qabsoonto kadib shirkaas wallow uu ka horeyn doono kulan kale oo awood-qeybsi ah.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan ra'iisul wasaaraha, Xasan Cali Khayre ayaa waxay ku bogaadiyeen dedaalada ay ku bixinayaa "dhismaha Galmudug oo ah".

"Waxaan soo dhaweynaynaa heshiiska ay gaareen ergada timid Dhuusomareeb kadib wada hadalkoodii Hobyo," ayey hadalkooda ku dareen Beesha Caalamka.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa la filayaa in uu qaato maalmo kadibna laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobada la isku raacay.

"Waxaan rajeynayaa in shirkaasi uu noqdo mid miro dhal ah, wuxuuna shirka muhiim u yahay dhismaha Galmudug oo mid ah," ayey hadalkooda kusoo gaba gabeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM