Beesha Caalamka oo bilaabeysa dedaal weji cusub leh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubno ka tisan wakiiladda Beesha Caalamka ayaa xalay waxay caasimadda Muqdisho kula shireen madaxwayneyaasha maamulada taabacsan Villa Soomaaliya ee Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Sida ay muujinayaan warbixinada, kulankaas ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee is-mari-waaga doorashada iyo shirkii xerada Afasiyooni.

"Madaxwayneyaasha oo ku eedeeyay hogaanka Puntland iyo Jubaland in ay fashiliyeen kulanka waxay codsadeen in la fasaxo oo dib ugu laabtaan degaanadooda balse waa laga diidey codsigaas," ayuu yiri qof ku dhow shirka.

Diblumaasiyiinta ayaa lagu waramay in ay ku wargeliyeen saddex madaxwayne in ciddii ka dhaqaaqda shirka loo aqoonsan doono in ay tahay "qaswade".

Dhanka kale, wakiiladda Beesha Caalamka ayaa la filayaa in maanta ay la kulmaan hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland si ay uga dhageystaa warbixinta shirka.

Illo wareedyo ayaa intaas ku daray in ergayga Qaramada Midoobay, James Swan oo horkacaya wadahadalan, uu sidoo kale telefoonka kula xiriiri doono madaxda dowlada federaalka ee waqtiga ka dhacay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa u muuqanaya in kolkan ay bilaabayaan dedaalo weji cusub leh kaasoo horseedi kara - in cadaadiska ku xoogeysto madaxda Soomaalida iyo in ay geedi-socodka la wareegaan.

Kadib kulamadan, waxaa lagu waddaa in Beesha Caalamka, Mareykanka iyo wadamada kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya ay soo saaraan war-saxaafeedyo ay ku muujinayaan sidda ay uga xun-yihiin natiijada dedaalkooda.

Beesha Caalamka ayaa horey waxay madaxda Soomaalida u siisay muddo hal asbuuc ah in ay ku xaliyaan khilaafka doorashooyinka, fursadaas oo muuqata in ay burburtay isla markaana hada u badan tahay in faragelin toos ah ay sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM