Beesha Caalamka oo bogaadisay is-afgaradkii Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa si weyn waxay soo dhaweeyeen is-afgaradkii madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ku dhexmaray Nairobi, caasimadda Kenya.

Is-afgaradka oo "talaabo muhiim ah u ah xoojinta xiriirka labadda dal" ayaa wuxuu meesha ka saarey madmadow soo galay.

Madmadowga ayaa waxaa u yeelay kiiska badda ee horyaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ka dhaxeeya.

"Waxaan bogaadineynaa dedaalada shaqsiga ah ee labada madaxweyne ku horumarinayaan xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay daneeyayaasha.

Gal-dacwadeedka badda oo la dhageysan doono bisha June ee 2020-ka ayaa ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala xuduud badeeda labada dal halkaas oo hodan ku ah Gaas iyo Shidaal.

"Xiriirka wada faa'iideysiga Soomaaliya iyo deriskeeda waxaan aragnaa in uu ka qeyb-qaadanayo horumarka, barwaaqada dadka, uuna saameyn fiican ku yeelanaya amniga iyo horumarka gobolka".

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Farmaajo u sheegay Uhuru in kiiska badda uusan saameyn cilaaqaadka. Halka, Madaxtooyadda Kenya shaacisay in madaxweynuhu "ogolaaday wada hadal lagu xaliyo qaddiyadda".

"Waxaan eegaynaa fulinta tallaabooyin ay ku heshiiyeen Madaxweyneyaasha kuwaas oo sii qoto dheereynaya xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya," ayaa lagu soo xiray war-saxaafadeedka.

Gal-dacwadeedka badda oo taagan bishii August ee iyo 2014-kii ayaa waxaa xiisadiisu xoogeystay bishii Maaj ee sanadkan, xilligaas oo Nairobi ku doodey in Soomaaliya shidaal xaraasheyso balse ay beenisay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM