Beesha Caalamka oo dalab u dirtay madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah wuxuu baahiyey qoraal Beesha Caalamka kasoo saartay xaaladda cakiran ee doorashooyinka waddanka Soomaaliya.

Bayaankaas oo nuqul kamid ah uu arkay ay warsidaha Garowe Online ayaa lagu rajeeyay in madaxda Soomaalida ay is-afgarad uga gaari doonan khilaafka doorashadda bisha Ramadaan awadeed.

Sidda ku xusan warka qoraalka oo ku qornaa luuqadaha Soomaali iyo English, diblumaasiyiinta ayaa cod dheer uga dalbanaya madaxda Soomaalida in ay deg-deg heshiis uga gaaraan is-maan-dhaafka taagan.

"Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu* waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi'da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Xuseyna muhiimadda uu leeyahay Shir-madaxeedka la qorsheeyay ee DFS-DXDF, Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed".

"Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto," ayaa lagu soo xiray.

Dhinacyada bayaanka soo saarey ayaa kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Baaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in shir uu berri caasimadda Muqdisho ku dhexmaro madaxda Soomaalida kuwaasoo laga dhur-sugayo in ay xal waara u keenan khilaafka coddeynta sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM