Beesha Caalamka oo dalbatay in shirka Afasiyooni uu sii socdo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa faafiyey qoraal wadajir ah oo Beesha Caalamka kasoo saartey wadahadalada arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Sidda ku xusan bayaanka, Beesha Caalamka ayaa welwel ka muujisay in qaar ka tirsan madaxda sheegeen in shirku burburey iyagoo dalbadey in degdeg loogu noqdo wadahadalkii u dhexeeyey madaxda Soomaalida si loo gaaro heshiis.

Beesha caalamka ayaa ka digtey waqti kororsi iyo doorasho is-barbar socota waxay kale oo dalbadeen in hoos loo dhigo hadalada xanafta si aysan xaalada siyaasadeed kor ugu kicin.

"Saaxiibada Beesha Caalamka waxay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogo-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen una dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada aanu sameyn wax horumar ah," ayay sheegeen.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaan adkeynaynaa in wadahadalladan ay udub-dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember ee loogu talagalay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, iyadoo la’aantood uu khatar gelayo horumarkii sanadihii ugu dambeeyay laga gaaray xasilloonida, horumarka dhaqaale iyo dib-u-hagaajinta hay'adaha ee Soomaaliya".

"Waxaan ku boorinaynaa madaxda inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harasan, iyagoo u maraya isu-tanaasul. Waxaan mar kale ku celinaynaa in saaxiibada [caalamku] aanay taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore," ayay xuseen.

Diblumaasiyiinta ayaa tibaaxay: "Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan".

"Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka," ayay kusoo xireen.

War-saxaafadeedka ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii wakiiladda Beesha Caalamka ay la kulmeen madaxda Soomaalida ee is-afgaradka ka gaari waayey xaalada cakiran kadib shirar ay yeesheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM