Beesha Caalamka oo ka digtay qorshe Farmaajo ku fekerayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa cod dheer waxay kaga digtay in waddanka laga qabto doorasho hal dhinac ah ama kororsi loo sameeyo madaxda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey.

Qoraal Arbacada maanta ah kasoo baxay xafiiska Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in muhiim ay tahay in madaxda Muqdisho ku sugan sii wadaa shirarka.

"Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka," ayaa lagu yiri bayaanka oo lagu faafiyey baraha bulshadda ee xafiiska UN Soomaaliya.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayaan "in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore".

Dhawaqaan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii u dambeeyay ay jireen warar sheegaya in Villa Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay hirgeliso doorashooyin hal dhinac ah ama dheereysi loo sameeyo Farmaajo.

Sidda ay caddeynayaan warbixinadda, afhayeenka Aqalka Hoose ee federaalka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa Xildhibaanada isugu yeeraya kulan shir si uu mudada ugu kordhiyo Maxamed Farmaajo.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaa ku fashilmay in uu dalka u horseedo doorasho la isla ogol-yahay wuxuuna wali ka cagajiidayaa wadahadal loo dhan-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM