Beesha Caalamka oo ka hadashay go'aanada guddiga farsamada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda Beesha Caalamka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo dhaweeyeen heshiiska guddiga farsamada ee ku shiray magaaladda Baydhabo.

Saaxiibada caalamka ayaa ayiday shirka ay soo jeediyeen guddiga xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka kaasoo ay u muddeeyeen 18-ka Fabraayo sanadkan 2020-21.

Guddiga farsamadda oo laba casho ku kulmay magaaladda caasimadda ku meelgaarka u ah Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa ka koobnaa min laba xubnood oo maamuladda.

Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale wuxuu laba xubnood ku leeyahay guddigan uu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda waqtiga ka dhamaadey, Maxamed Cabdullaahi Rooble.

"Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17-kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18-ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh".

Dhawaqa diblumaasiyiinta caalamiga ah ayaa sidoo kale wuxuu kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in Muqdisho uu Jimcada todobaadkan ku qabsoomo banaanbax ka dhan ah dowladda federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM