Beesha Caalamka oo mar kale ka digtay muddo kororsi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ururka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa xaaladda ay haatan ku sugan tahay Soomaaliya waxay soo saareen qoraal wadajir ah.

Bayaanka ayaa walaac xoogan waxaa looga muujiyey mar-xalada ay Soomaaliya ku sugan tahay oo ah is-mari-waa xooggan oo ka taagan qabsoomida doorashooyinka heer federaal.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayay ku booriyeen in ay sii waddaan wadaxaajoodyadda xalka loogu goobayo khilaafka doorashooyinka oo taagan in ka badan muddo sagaal bilood ah.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayay hoosta kaga xariiqeen in aysan taageeri doonin dpprasho hal dhinac ah iyo muddo kororsi.

Madax-banaanida Soomaaliya ayay caddeeyeen in ay si buuxda u ixtiraamayaan. Talaabadan waxay u muuqataa mid loogu jawaabayo digniin maamulka Farmaajo dhowaan diray.

Dedaaladda dhinacyada kala duwan waddaan ee xalka loogu goobayo is-faham-waaga ayay ka dhawaajiyeen in ay bogaadinayaan kuna talinayaan in deg-deg wadahadalo la isugu soo laabto.

"Midowga Yurub, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay waxay si dhow ula socon doonan xaaladda Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Qoraalkan ayaa ka turjumaya in safiirada dalalka caalamka u jooga Muqdisho oo horey bayaanada u soo saari jiray ay ka gudubtay mar-xalada una talaabtay in ururada caalamiga ay soo saaraan.

Hoos ka akhriso qoraalka Beesha Caalamka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM