Beesha caalamka oo taageertay dib u habeynta ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada aduunka ayaa soo dhaweeyay hindisaha ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee dib-u-habeynta amniga iyo qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo amaanka.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka, waxay balanqaadeen in ay ka taageeri doonan xukuumada fulinta dib-u-habeynta dhaqaalaha, amaanka iyo siyaasadda.

"Waxaan dhiirogelinaynaa go’aanka dowlada ku fulineyso [arrimahaasi daruuriga ah]," ayaa lagu yiri bayaanka oo ay ku saxiixan yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Boqortooyda Ingiriiska iyo Mareykanka.

Bisha April, waxaa magaaladda Washington la filayaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Bankiga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Dunida, kaasi oo arrimaha looga hadlayo ay kamid tahay dayn cafinta Soomaaliya.

"Waxaan wadahadallo dheeri ah ku falanqeyn doonnaa kulamada arrimaha Soomaaliya ee shirka gu’aga ee World Bank-International Monetary Fund oo bisha Abriil ka dhici doona Washington," ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada xooga ayaa isku diyaarinaya in mas'uuliyada nabad-gelyada dalka ay kaa wareegaan xoogaga AMISOM horaanta 2020-ka, sidda ku cad qorshaha kala guurka ee ciidamada Midowga Afrika.

"Waxaan kaloo eegi doonaa go’aanada muhiimka ah ee aan kusii wadayno taageerada AMISOM iyo sida ay mas'uuliyda amaanka ugu wareejin lahaayeen hay'addo amni oo ay Soomaali leedahay," ayay tiri beesha caalamka.

Sidda laga soo xigtay war-murtiyadeedka, dalalka deeq-bixiyaasha ayaa lagu booriyay in ay si wadajir ah ugala shaqeeyaan dowlada federaalka ah in ay dhaqan-geliso dhamaan hadaf-yadaasi.

"[Waa] iyadda oo la marayo geedi-u-socod wadahadalo oo loo dhan yahay," ayay daba dhigtay beesha caalamka.

Ugu dambeyntii, daneeyayaasha Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay dowladdu fuliso qorshaheeda, oo gobolka dalalka Geeska Afrika ay faa'ido u tahay.

"Dib-u-habeynadaasi waxay ka qayb qaadanayaan xalista iyo barwaaqo ay helaan dadka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-murtiyeedka kasoo baxay beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM