Beesha Caalamka oo soo dhaweysay wada xaajoodyada Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibadda Caalamka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wada xaajoodyadda ka socda maamul goboleedka Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaa arrintaasi ayna kuna baaqayaan in halkooda ay kasii socdaan.

"Waan bogaadineynaa wada xaajoodka Galmudug ee lagu mideynayo maamulka, lagu horumarinayo xasiloonida dhinacyadana la isugu keenayo," ayaa lagu yiri.

Dib-u-heshiisiinta oo ay xukuumada federaalka garwadeen ka tahay ayaa u dhaxeeya Galmudug iyo hogaanka Ahlu Sunna.

"[Tani] waxa faa'iido u tahay shacabka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya," ayaa laga soo xigtay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa ku tartarsiiyey daneeyayaasha in ay sii wadaan taageerada ay u muujinayaan geedi u socodkan.

"Geedi u socodka oo lagu saleeyo dib u heshiisiin loo dhan yahay waxay hor-seedeysaa doorashada madaxweyne xor iyo xalaal ah, kana fog qalalaaso," ayey raaciyeen hadalkooda.

Dalalka war-murtiyeedka ku saxiixan ayaa kala ah; France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Ururada sidoo kale ku jira ayaa kala ah; Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

"Waxaanu mar kale xaqiijineynaa in aan taageereyno Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, xafiiska magaaladda Muqdisho.

Bayaankan ayaa imaanaya iyadda oo ra’iisul wasaare Khayre oo ku sugan degaanada Galmudug uu ka shaqeynayo dhameystirka Galmudug, isla markaana uu soo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay Xaaf.

Sidoo kale warkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo shalay uu hogaamiyaha Galmudug uu magaala madaxda dalka ee Muqdisho kula kulmay xubno ka socda beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM