Beyla oo Sacuudiga kula kulmay dhigiisa Ethiopia iyo Eritrea

Image

JEDDAH - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa dalka Indonesia kula kulmay dhigiisa dalalka Itoobiya iyo Eritrea, kuwaasi oo dhowaan kala saxiixday heshiis ay kusoo afjareen colaada ka dhaxaysay.

Kulanka ay qaateen madaxdani oo ahaa mid qaatay saacado ayey isla soo qaadeen arrimo kala duwan oo dhowr ah, kuwaasi oo gabagabda uu fahfaahin ka bixiyey Wasiir Beyle.

Qoraal uu wasiirku soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku xusay wasiir Beyle inay madaxdani kawada hadleen xoojinta xiriirka dhinacyadda dhaqaalaha iyo maal-gelinta.

"Wada sheekaysi wanaagsan oo ku qotoma is-dhexgalka gobolka ayaan la yeeshay dhigeyga Ethiopia iyo Eritrea. Is-dhexgalka gobolka waa muhiimada koowaad ee horumarka, rajada gobolka, shaqo u abuurista iyo maal-gelinya dadkeena," ayuu yiri Beyle.

Hadalka kasoo yeeray wasiir Beyle ayaa kusoo aaday xili dhowaan magaalada Asmara ee caasimada Eritrea ay heshiis wadashaqayn ah ay ku kala saxiixdeen hogaamiyaasha dalalkaan, kaasi oo maamulka Farmaajo si adag loogu dhaliilay.

Heshiiskaas oo ay ka horeeyeen kuwa kale oo ay si gooni gooni ah u galeen saddexdaan dal ayaa qayb ka ah dabeesha isbedal ee ka soocto Geeska Afrika, taasoo uu horumuud u yahay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo xafiiska la wareegay April 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM