Beyla oo Sacuudiga kula kulmay dhigiisa Ethiopia iyo Eritrea

Image

JEDDAH - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa dalka Indonesia kula kulmay dhigiisa dalalka Itoobiya iyo Eritrea, kuwaasi oo dhowaan kala saxiixday heshiis ay kusoo afjareen colaada ka dhaxaysay.

Kulanka ay qaateen madaxdani oo ahaa mid qaatay saacado ayey isla soo qaadeen arrimo kala duwan oo dhowr ah, kuwaasi oo gabagabda uu fahfaahin ka bixiyey Wasiir Beyle.

Qoraal uu wasiirku soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku xusay wasiir Beyle inay madaxdani kawada hadleen xoojinta xiriirka dhinacyadda dhaqaalaha iyo maal-gelinta.

"Wada sheekaysi wanaagsan oo ku qotoma is-dhexgalka gobolka ayaan la yeeshay dhigeyga Ethiopia iyo Eritrea. Is-dhexgalka gobolka waa muhiimada koowaad ee horumarka, rajada gobolka, shaqo u abuurista iyo maal-gelinya dadkeena," ayuu yiri Beyle.

Hadalka kasoo yeeray wasiir Beyle ayaa kusoo aaday xili dhowaan magaalada Asmara ee caasimada Eritrea ay heshiis wadashaqayn ah ay ku kala saxiixdeen hogaamiyaasha dalalkaan, kaasi oo maamulka Farmaajo si adag loogu dhaliilay.

Heshiiskaas oo ay ka horeeyeen kuwa kale oo ay si gooni gooni ah u galeen saddexdaan dal ayaa qayb ka ah dabeesha isbedal ee ka soocto Geeska Afrika, taasoo uu horumuud u yahay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo xafiiska la wareegay April 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM