Beyle oo jawaab ka bixiyey Musuqmaasuq uu Baarlamanka [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa jawaab ka bixiyay warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee baarlamaanka.

Beyle oo wareysi siiyay VOA-da, ayaa sheegay inuusan waxba kala socon Warbixinta guddigu kaga hadlay kharashka soo galay dowladda iyo miisaaniyad sanadeedka sanadka 2018-ka, ayadoo wax is-daba marin ay ku eedeysay wasaaradda maaliyadda.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in miisaaniyadda 2018 aysan Wasaaradda maaliyadda kusoo darin 20 milyan oo dollar oo kamid ah 50 milyan oo Sacuudiga ugu deeqay Somalia 2017, iyadoo Beyle laga dalbaday inuu sheego halka lacagtan ku baxday.

 
Beyle oo iska difacaya eedeyntan ayaa ku tilmaamay warbixinta guddiga mid aan sax ahayn, isagoo intaasi ku daray in lasoo saarin kahor inta aan isaga wax laga waydiinin arrimaha lacagta maqan la xiriirta.
 
Maamulka gobolka Banaadir ee uu hogaaminayo Eng Yariisow ayaa qeyb ka ah musuq-maasuqa, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku baxday $16.5 million [Lix iyo toban Milyan iyo shan boqol oo doolar] taasoo soo gashay intii u dhaxeysay January iyo June ee 2018. 
 
Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu eedeeyay inay ka qaado shirkadaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay lacago aan ahayn canshuur, oo loogu magac-daray qaaraan la siinayo xarunta warbixinta maaliyadeed maaliyadeed taasoo aan lagu shubin bangiga dhexe, balse ku dhacdo akoono gaar ah.
 
Lacaga maqan ee sida qaldan loo maareeyay ayaanan wasaaradda maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir u heynin wax dukumintiyo/warqado ah oo sharxaya qaabka loo maamulay iyo meelaha lagu kharash gareeyay, sida gudiga uu sheegay.
 
Warixinta ayaa soo bandhigtay fadeexad musuq-maasuq oo Beyle soo wajahday xilli uu shaaciyay dhawaan korar dhanka dakhliga ah iyo miisaaniyadda 2019 oo gaaraysa $340 million [Saddex boqol iyo afartan milyan oo dollar].
 
Beyle oo hadda safar ugu maqan Kenya ayaa sheegay in uu hortagi doono Gollaha Shacabka marka uu soo laabto si uu isaga difaco Maamul xumada maaliyadeed ee lagu eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM