Biden oo amar kasoo saarey duqeymaha Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA – Milatariga iyo Hay'adda Sirdoonka Mareykanka ayaa lagu wargeliyey in aysan ka fulin karin howlgal dhanka cirka ama mid kumaandoos ah aagaga aysan ka jirin dagaaladda joogtada ah sidda Soomaaliya ayaga oo aan ogolaanshiyo ka haysan Aqalka Cad, sidda ay warisay New York Times.

Sidda ku xusan warbixinta, maamulka Joe Biden oo amarkaas u bixiyey si qarsoodi ah ayaa u soo rogay amarkan si loo xaqiijiyo waxyeeladda bad-qabka shacabka iyo la tuhunsaneyaasha.

Talaabaddan ayaa u muuqata mid bilow u ah dib-u-qaabeyn uu maamulka Biden ku sameynayo shuruucda xukuumaddii Donald Trump oo u fasaxdey ciidamadda Mareykanka ay si madax-banaan u go’aansadaan howlgaladdaas.

NYT oo soo xiganeysa mas'uuliyiin magacyadooda uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in ay saxaafadda la hadlaan ayaa intaas ku dartay in maamulka Biden uu sidoo kale uu doonayo in uu hubiyo cidda lala beegsanayo howlgalka isla markaana lala soo wadaago fahfaahin qoraal ah iyo caddeyn muuqaal.

Nidaamkii Trump ayaa duqeymaha dhanka cirka ah gaar ahaan aagaga ka baxsan colaada wuxuu ku dabaqay siyaasad nuxurkeedu yahay dil ama qabasho, isaga oo si gaar ah Soomaaliya ugu shaabadeeyay in ay tahay "aag colaadeed".

Sidda ay warisay shabakadda Airwars, maamulkii Trump ayaa afartii sano ee xukunka uu joogay wuxuu Soomaaliya ka fuliyey 276 howlgal oo isugu jiray duqeymo dhanka cirka ah iyo kuwa dhulka ah, iyadda oo taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika loona yaqaan AFRICOM uu kaliya xaqiijiyey 205 howlgal.

Warbixinta oo soo baxdey todobaadkan ayaa lagu xusay in mudadii xafiiska uu joogay Trump ay ciidamadda Mareykanka ay Soomaaliya ka geysteen khasaaro rayid oo dhan ku dhowaad 170 kuwaas oo qiyaastyii 157 kamid ah dhinteen. Balse, taliska AFRICOM wuxuu kaliya qirtey hal dhimasho iyo shan dhaawac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM