Bixinta Baasaboorka Somalia oo 3 bilood hakad ku jira [Shacabka oo cabanaya]

Image

MUQDISHO, Somalia - Bixinta Baasaboorka Somalia, ayaa hakad ku jira bishii 3aad oo xiriir ah, iyadoo shacabka ay arintaasi walaac badan ka muujiyeen, islamarkaana ay saameysay dad badan oo caafimaad iyo waxbarasho dibadda ugu aadi lahaa.

Arrintan ayaa ka dhalatay khilaaf soo kala dhex-galay dowladda Federaalka ah ee Somalia iyo Shirkad ajnabi ah, oo heshiis kula gashay daabicista Baasabooradda, taasii qandaraaskii ka dhacay bishii December ee 2018-kii.

Shirkadda ayaa joojisay daabicista Baasabooradda kadib markii ay Xukuumadda Somalia isku isku khilaafay kharashka cusbooneysiinta heshiiska, waxayna tani ay keentay dhibaato xooggan oo horey aaney dowladda uga baaraan degin.

Muwaadiniin badan ayaa maalin walba taga xarunta waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ku taalla wadada Shaqaalaha ee Muqdisho, iyagoo rajo ka qaba in Baasabooradii ay dalbadeen billooyin kahor ay helaan.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa horey u balan-qaadey in 4-ta bishii December ee 2018 ay dib u billaabi doonto bixinta Baasabooradda kadib todobaadyo uu hakad ku jira, iyadoo shacabka arrintaas ka siisay raali-gelin.

Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale ayaa kamida Gollaha Shacabka, ayaa sheegay in hadii aanan waxba looga qaban arrinta taagan sida ugu dhaqsiyaha badan ay halis ku jirto nolasha Bukaano daaweyn dibada ah ubaahan.

"Hadii aniga oo Xildhibaan oo si kale wax u farsameyn kara aan la'ahay kawaran qofka shacabka ah, waadna dareemi kartaa dhibta jirta," ayuu Mudanaha yiri, isaga oo sharaxaya in caqabada taagan aanan cid faa’ido ku qabin.

Abshir Nuur Axmed, waxa uu kamid yahay Arday deeqda ka heshay dibadda, waxa uu sheegayaa inay ka walaacsan yahay inay seegto fursada ay heleen boqolaalka isaga lamidka ah, isaga soo jeediyay in dhibta taagan la xaliyo.

"Dhowr jeer ayaan nala balamiyay…marka aan tagnana meesha waxaa nala leeyahay 'wax diyaar ah malahan' markii aan aragno inaanu waxba soo socon ayaan isaga soo tagnaa," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Bixinta baasaboorka ayaa kamid ah adeegyada ugu horeeya ee dowlad kasta looga baahan yahay siiso muwaadiniinteeda, iyada xukuumada Farmaajo hadii aysan si deg deg ah u xalin tani ay dharbaaxo culus ku noqon karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Macwiisleyda Xawaadle oo Kaligood Ku Noqday Dagaalka Al-Shabaab, Iyagoo Difaacaya Deegaanadooda Hiiraan

Ugu dambeyn, xaaladda gobolka Hiiraan waxay mar kale muujinaysaa sida uu amniga dalka ugu xiranyahay dadaalka bulshada deegaanka

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 07:35AM

Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka…

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 04:33PM