Booliska DF oo Aamin Ambulance ka joojiyay tegida goobaha qaraxyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxa hay'adda Aamin Ambulance, Dr C/qaadir C/raxmaan ayaa xaqiijiyay in booliska dowladda Soomaaliya ku amray inaysan tegi karin goobaha ay qaraxyada ka dhacaan ee magaaladda Muqdisho.

Isagoo wareysi siinayay barnaamijka "Focus On Africa" ee BBC-da ayuu Dr C/qaadir ayaa sheegay in taliska booliska uu kula soo xiriiray Taleefonka, kadibna uu ku wargeliyay amarka looga joojiyay inay aadaan meel uu qarax ka dhacay.

"Wuxuu ka yimid amarka taliye boolis oo nagu yiri Aamin Ambulance ma tegi karto hadda kadib meel uu qarax ka dhacay...kadib waxaan waydiiyay inay noo keenaan warqad, balse taasi ma aysan sameynin... way nasoo waceen waxayna nagu wargeliyeen inaan amarka qaadano," ayuu yiri Dr C/qaadir oo ku sugan London.

Mar su'aal laga waydiiyay sababta ka dambeysa amarka, ayuu ku jawaabey Madaxa Aamin Ambulance: Ma aqaano xaqiiqdii mana saadaalin karno".

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii su'aal ay su'aal ku saabsanayd sababta shaqada looga joojiyay Aamin Ambulance ka waydiiyeen saraalka soo wacay amarkaasi, uu ugu jawaabey "sababo amni".

Dr C/qaadir oo sii hadlayay ayaa xusay in Muqdisho ay ka shaqeynaysay Aamin Ambulance mudo 12 sano ah, oo ay caawinayeen si lacag la'aan ah shacabka ku dhaawacma qaraxyada, islamarkaana aysan la kulmin wali amar noocan ah.

Taliyaha booliska ee u sheegay Dr C/qaadir iyo Kooxdiisa gurmadka degdega in shaqada laga jooyay ayaa sheegay inay dowladda ka baqeyso in gaadiidka Aamin Ambulance ay kooxaha argagaxisada u isticmaali karto qaraxyada.

Ugu dambeyntii, Dr C/qaadir ayaa hoosta ka xariiqay in hadii uu dhaqangalo amarkan ay dad badan u geeriyoon doonaan dhiig bax magaaladda Muqdisho, oo si joogto ah uga dhacayaan qaraxyo waaweyn.

Booliska dowladda ayaa dhawaan sidoo kale warbaahinta madaxa banaan ka joojiyay tebinta qaraxyada ka dhaca caasimadda, iyadoo gudoomiyihii Xamar-Jajab shaqada looga joojiyay inuu wariyeyaasha u fasaxay qaraxii ka dhacay dhawaan irida xerada tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM