Booliska Somalia oo ka warbixiyay Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Taliyaha saldhigga Booliska degmada Hodon, C/fitaax Bashiir Cali ayaa sheegay inay ku raad-joogaan cidii wadatey gaarigii xalay fiidkii ku qarxay irida Makhaayadda The Village, kaasoo ay ku dhaawacmeen labo carruur ah.

Makhaayadda The Village, oo ku taalla inta u dhaxaysa Isgoysyadda Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa shaqaale katirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin xilliga qaraxa uu dhacayay.

Qof kamid ahaa macaamiisha Makhaaqyada, kaasi oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa isaga oo sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, isagoo xusay in jawiga uu isku bedalay jahweer iyo cabsi.

"Gaariga qarxay oo ahaa nooca raaxada ah, wuxuu kamid ahaa kuwii ku jiray Parking-ka. Rasaas ayaan maqlnay, cabsi iyo jahweer ayaan galnay. Balse, xaalada si caadi ah ayey kusoo noqotay inyar kadib," ayuu yiri.

Ma jirto koox dhabarka saaratay mas'uuliyadda weerarkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay falalka noocaan ah ee lagu beegsado Hoteelada iyo Makhaayqadaha loo shaahi tago ee caasimada ku yaala.

Halka uu ku yaallo Baarka The Village waxaa ka akdhow Hoteelada Posh Treat iyo Pizza House, kuwaasi oo sanadkii 2017-kii ay weerar is-miidaamin ah ku beegsatay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, halkaasi Tobaneeyo qof ay ku dishay.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyada laamaha amniga dowlada ay baaris xoogan kawadaan Isgoysyadda waawayn ee Muqdisho, halkaasi oo ay mid-mid ubaarayaan Gadiidka dadwaynaha iyo midka gaarka loo leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM