Booliska Soomaaliya oo qabtay xubin ka tirsanaa Amniyaatka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtey xubin ka tirsan Al-Shabaab isla markaana burburiyey shabakado ka tirsanaa xoogagaas, sidda uu warbaahinta u sheegay afhayeenka taliska.

Dhame Sadiiq Adan Cali [Duudishe] oo maanta xafiiskiisa ugu waramay saxaafada ayaa magaca xubinta Shabaabka oo ay qabteen ku sheegay Xasan Cabdullaahi Salaad oo magaciisa afgarashadda uu yahay Bukhaari.

15-kii June, 2020 abaare 11-kii barqanimo ayuu xusay in ay kasoo xireen aaga Tabakaaya-madow ee degmadda Dharkenley.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, wuxuu u howlgalayey Amniyaat-ka Al-Shabaab ahaan. Sidoo kale, wuxuu kasoo dagaalamay gobolka Hiiraan. "Laba dhagar-qabe kale ayaa lala soo xiray iyagoo fal-dambiyeed ku jira".

Ma caddeyn hadii ay sameeyeen iska hor-imaad ka dhashay waxyeelo soo gaarey ciidamadda soo qabtay iyo eedeysaneyaasha qudhooda.

Dhanka kale, shabakado Al-Shabaab ka tirsan ayuu ka dhawaajiyey in 30-ka bishii May, 2020 ay ciidamadda bileyska ku burburiyeen isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka magaala madaxda iyo degmada Dharkenley.

Afhayeenka ayaa daaha ka rogay in shabakadaan ay adeegsan jireen Istuudiyow lagu cayaaro Jeeska "oo ay ku qarin-jireen howlgaladooda".

Hase ahaatee, ma uusan soo bandhigin magacyadda iyo tiradda shabakadaha. Su'aallo arrintaas laga waydiiyeyna kama jawaabin.

"Dhamaantooda waxay ku jiraan gacanta hay'adda dambi-baarista, waxaana ka horgeyn doonaa maxkamadda sharciga u leh," ayuu xusay.

Booliska Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay sheegay in uu xoojiyey howlgaladda lagu xasilinayo ammaanka magaala madaxda kahor doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee loo qorsheeyay sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM