Boqolaal kasoo goostey Al-Shabaab oo "isa soo dhiibay"

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan 300 oo dhalinyaro Kenyan ah oo doodu ka hooseyso 30 sano ayaa kasoo baxay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab waxayna isku soo dhiibeen dowlada Kenya, sidda ay sheegeen mas’uuliyiin.

Dhalinyaradan oo si dhuumaaleysi ah ku galay Soomaaliya si ay tababar ciidan ugu soo qaataan degaanada Al-Shabaab, ayaa lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa la sheegay in ay qaabishay dowladda Kenya oo kaashaneysa ururrada bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale.

Sida laga soo xigtay saraakiisha "Al-Shabaab waxay dooneysay inay tababarto dhalinyarada ka soo jeeda gobolka Xeebta si ay ugu adeegsadaan inay ka geystaan ​​weeraro argagixiso dalkooda"

Isaga oo ka hadlaya magaalada Mombasa Jimcihii, Canon Harun Rashid oo ka socda Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Kenya, ayaa tibaaxay in kuwa soo laabtay xilligan la dhaqan-celinayo lagana weecinayo falalkooda argaggixiso iyo fikradahooda.

"Dowlada ayaa sifeyn ku sameysay iyaga hadana waxay ku hogaamineysaa iyaga si aysan dib ugu laaban falalka argagaxisada. Tan waxaa suurta galisay iyadoo la hawl galiyay dhowr ururada bulshada rayidka ah, kuwaasoo bilaabay barnaamijyo dib u habeyn ah oo loogu daneynayo dadka soo laabanaya," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Aad ayaan u shaqeyneynaa. Waxaan arki jirnay dhalinyaro fara badan oo laga dhaadhicinayo inay ku biiraan kooxaha argagaxisada ah ee ka dagaallama Soomaaliya, qaar badanna waxay ka gudbi doonaan xudduudda maalin kasta laakiin goor dambe ayay tiradu runtii hoos u dhacday, waana ku mahadsan tahay dadaalkan"

Dhallinyaradan Kenyanka ah ee shaqo la’aanta ah daashatay ayaa Al-Shabaab waxay ka dhex-arkeen fursad ay lacag ku sameeyaan ayaga oo loo duuf-sadey Soomaaliya.

"Waan sii wadaynaa dabagalka oo waxaan ka soo ceshanaynaa dhalinyarada ugu badan ee suurta galka ah kooxaha argagixisada," ayuu yiri Ku xigeenka Wakiilka Gobolka, Nyali Harun Kamau.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaa soo kordhay xagjirsiinta dhalinyarada Kenyanka ah ee shaqo la’aanta haysata kuwaasoo ku dhamaada gacanta maleyshiyada Al-Shabaab.

Dhexgalka Al-Shabaab ee Kenya ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011 si ay ula dagaallamaan kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ka dib afduubkii ajaanibta ee dhulkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM