Britain oo baaq u dirtay hogaamiyeyaasha Soomaalida

Image

LONDON, UK - Dowladda Britain ayaa waxay ugu baaqday daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ee Dowladda Federaalka ah Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka inay sii wadaan wadahadalkooda wax ku oolka ah, iyagoo ka duulaya heshiiskii 17-kii Sebtember iyo talooyinkii guddiga farsamada ee Baydhabo.

Barbara Woodward, oo ah Wakiilka joogtada ah ee UK ee UN, oo shalay la hadleysay xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, ayaa waxay dhiiragalisay dhamaan dhinacyada, inkasta oo caqabadaha jira ay jiraan, inay sii wadaan horgelinta qorshaha kala guurka ammaanka iyo howlgaladda bilowdaga 2022-da.

"Hubiya in doorashada noqoto mid loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo ayna ku dhici karto sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan waanba habka looga bixi karo jahwareerka siyaasadeed ee sii hurinaya amni-darrada iyo xasillooni-darrada ka jirta Soomaaliya," ayay tiri.

Woodward oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay ka digtay in xasillooni darrada siyaasadeed ee hadda jirta ay wiiqi karto aragtida dhanka bani'aadamnimada ee Soomaaliya ee awalba liidatay.

"Iska hor-imaadyadii 25-kii Abriil oo keliya ayaa barakiciyey tobanaan kun oo Soomaali ah waxaanna aad uga walaacsanahay halista rabshado hor leh, gaar ahaan haddii wadahadallada ay fashilmaan. Ixtiraamka Sharciga Caalamiga ee Bani'aadamnimada iyo ilaalinta dadka rayidka ah ayaa muhiim u ah sharcinimada dowladnimada Soomaaliya," ayay tiri.

Diblumaasiyada ayaa ku dartey: "Rabshadaha siyaasadeed waxay kaliya sii kordhinayaan saameynta halista jirta ee COVID-19, daadadka, abaaraha, cunno yarida, iyo ayaxa oo dhammaantood khatar weyn ku ah xasiloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Hogaamiyaasha Soomaalida waa inay sii wadaan ka shaqeynta wax ka qabashada saameynta arimahan".

Safiirada ayaa waxay muujisay sida ay uga go'an tahay dawladeeda in ay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya - labadaba si loo yareeyo saameynta dhacdooyinkan iyo in laga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa adkeysi muddo dheer ah oo ka dhan ah argagixisada, qalalaasaha siyaasadeed iyo caqabadaha ka dhalan kara Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM