Bukhaari: Heshiis kasta xilligan la gelayo waa mid guracan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Senator Abshir Axmed Bukhaari ayaa caddeeyay mowqifkiisa heshiiska la sheegay in uu Farmaajo la galayo dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.

Bukhaari oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ka digay khatar uu tibaaxay in heshiiskan uu ku yahay xasiloonida dalka

"Iyada oo hore ay u jireen heshiisyo mugdi ah oo baalmarsan habraaca gelidda heshiisyada dalka, ayuu madaxweynaha xiliguusu dhammaday Maxamed Farmaajo waxa uu qorsheynayaa inuu galo heshiisyo hor leh oo lala garabmarayo goleyaasha dowladeed ee u xilsaaran go'aan ka gaaridda gelidda heshiisyada caalamiga ah," ayuu yiri.

Senatorka ayaa ku daray: "Waxaase ka sii daran in heshiisyadaasi uu la gelayo Eratariya, oo ah dal dadkiisu gacanta ugu jiraan kelitaliye manaxe ah oo doorasho iyo dimoqraadiyadba diidan, iyo Itoobiya oo hoggaankeedu lagu eedeynayo doorasho diidnimo iyo dambiyo dagaal oo ka dhan ah dadkiisa".

"Haddaba heshiis kasta oo la galo xilligan waxa uu noqonayaa mid leh ujeeddooyin gurracan oo u adeegaya danaha siyaasadeed ee madaxweynaha sharciyadiisii dhammaatay Febrraayo 8, 2021," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay sheegay in madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo uu caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa uu u tegayo saxiixa heshiiskaas khuseeya amniga iyo difaaca.

Balse, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay warkaas, waxaana ay ku sifeysay "war aan sal iyo baar toona lahayn".

"Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin," ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi, afhayeenka Villa Soomaaliya.

Wuxuu ku daray: "Safarrada shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed".

"Waxaa nasiib darro ah in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid, Farmaajo ayaa dowladaha uu gacansaarka dhow la yeeshay waxaa kamid ah Itoobiya iyo Eritrea, wuxuuna wadamadaas ku tegay safaradii ugu badnaa oo uu ku bixiyo dalalka dibadda tan iyo markii loo doortey xafiiska ugu sareeya waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM