Bursaliid oo lasii daayey markii la laalay eedeymahii lagu soo oogay
NAIROBI, Kenya – Kadib shan maalmood oo uu xabsi ku jiray, Dr Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa fiidnimadii Talaadada dib u helay xorriyadiisa markii Maxkamada Nairobi ay laashay eedeymaha lagu soo oogay.
Falanqeeyahaan Soomaaliyeed ee ka faalooda arrimaha Afrika ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay haysto telafoono iyo aqoonsiyo badan si lamid ah in uu xiriir la leeyahay "kooxo argagixiso ah".
Maalintii Jimcaha ayey Bursaliid iyo saddex ruux kale waxay kasoo muuqdeen maxkamadda balse dhageysiga kiiska ayaa dib loo dhigay wallow aysan xeer-beegtadu shaacin sababta dhabta ah ee ka dambeysay arrintaasi.
Bursaliid oo ku xeel-dheer arrimaha Mandiqada ayaa waxaa la xiray saqdii dhexe ee Arbacadii xiligaasi oo ciidamada la dagaalanka argagixisada Kenya ay kala baxeyn hoygiisa oo ku yaala xaafada Islii ee Nairobi.
Maxkamadda ayaa lagu waramayaa in ay xukmisay in Bursaliid uusan wax cilaaqaad ah lala laheyn dhamaan eedeymaha lagu soo oogay isla markaana uu yahay "mid aanan wax khalad ah sameynin".
Xariga Bursaliid ayaa kusoo beegmay iyadda oo uu sii karaar-qaadanayo kala aragti duwanaanshiyaha diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeysa dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Xiisada ayaa salka ku haysa xuduud badeed taasi oo dhowr jeer uu ka hadlay Bursaliid isaga oo ku tartarsiinaya labada dowladood in ay ka dhowr-sugayaan go’aanka maxkamada cadaalada aduunka oo kiiska horyaalo.
Soomaaliya ayaa dacwada gudbisay sanadkii 2014-kii markii ay isa soo tareen sheegashooyinka Kenya taasi oo tan iyo xiligaasi dooneysa in qaab hoose loo dhameeyo arrinta cirka isku sii shareeraysa.
Dabayaaqada sanadkan 2019 ama bilowga sanadka soo aadan ee 2020 ayaa la filayaa in uu soo baxo go’aanka ICJ kaasoo fulintiisa la sheegayo in ay qaadan doonto muddo sanado oo aanan la cayimin.
Dr Bursaliid oo barre ka ah Jamaacadda Nairobi ayaa la sheegay in uu kamid yahay howladeenada mid kamid ah safaaradaha wadamada caalamka ay ku leeyihiin magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca.
Xarigiisa ayaa yimid maalmo kadib markii garoonka Nairobi laga musaafuriyey mas'uuliyiin Soomaaliyeed ayna Kenya ku goodisay in ay beegsaneyso cid kasta oo ku dhow madaxweyne Farmaajo.
GAROWE ONLINE