Buruuj oo si casri ah u dhistay Jidka isku xira Isgoysyada Bakaaraha iyo Black Sea [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta xariga laga jaray Wadada Kacaanka (Cirtoogte) ee isku xirta Bakaaraha iyo Isgooyska Black Sea ee dhexmarta Cirtoogte, ee magaaladda Muqdisho.

Jidkan oo mudo 30 sano ah burbursaneyd, oo aan dadka iyo gaadiidkuna isticmaali jirin, ayaa hada ay suurtagashay in dib loo dhiso, iyadoo dadweynaha ay ku farxeen inay markale dib u Isticmaalaan.

Waxaa wadada dhisay shirkadda dhismaha Buruuj oo ah shirkad Soomaaliyeed, oo fadhigeedu yahay Muqdisho, waxaana maalgaliyay maamulka gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Jidkan oo loo dhisay qaab casri ah oo waliba loo sameeyay astaamaha iyo waxyaabaha lagu yaqaano wadooyinka caalamiga ah, ayaa si rasmi ah xariga looga jaray maanta.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ku amaanay shaqada adag oo ay qabatay Buruuj, wuxuuna sheegay in la sugaayay mudo dheer hadana laga miro dhaliyay.

Madaxda shirkadda Buruuj ayaa goobta ka sheegay in xirfadlayaal Soomaaliyeed ay mashruucaan bud-dhig u ahaayeen, kuwaasoo qeyb ka qaatey inay hirgesho howshan muhiimka u ah shacabka.

Shirkadda Buruuj ayaa aad loogu amaaney dhismooyinkeeda casriga ah, oo qeyb lixaad leh ka qaatey dib usoo celinta quruxda dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM