Buuq hareeyay kulanka Gollaha Shacabka iyo Saxaafadda oo laga saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay fadhigii maanta ee Gollaha Shacabka oo ay hor-yimaadeen Wasiiradda difaaca iyo amniga, oo la filayay in su'aallo laga waydiiyo xaaladda amni ee dalka.

Wasiiradda markii ay soo galeen Hoolka, ayaa gudoonka amray in saxaafadda dibadda looga saaro, islamarkana aan la tebin si toos ah waxyaabaha looga hadlayo kulanka 3aad ee Kal-fadhiga 5aad, oo ay ku sheegeen mid xasaasi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxa uuna ku furmay 164 mudane.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka.

Sidoo kale, Taliyeyaasha booliska iyo militeriga ayaa soo xaadiray kulank, iyadoo lga waayay goobta Fahad Yaasiin, taliye ku xigeenka NISA, oo aan looga baran fagaare kasoo muuqashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM

War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:53PM