Cabdi Qeydiid: Madaxda dalka waa inay kala saaraan Dastuurka iyo Siyaasada

Image

MUQDISHO, Somalia - Senator Cabdi Qeydiid, gudoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee Dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, ayaa qiray in khilaafka dowlada dhexe iyo maamulada xubnaha uu sameeyay howlaha qaybo-tirka dastuurka.

Qeydiid oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigayo caqabadaha iyo wax-qabadka Guddiga oo shalay Muqdisho ka furmay ayaa si cad daaha uga rogay in madaxda aysan muhiimad gaar ah siinin dhameystirka dastuurka.

Mudanaha oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u soo jeediyay labada dhinaca in ay kala saaraan siyaasada iyo dastuurka, maadaama uu yahay mid ka dhaxeeya Umadda oo idil.

"Madaxda dowlada iyo maamulada waxaan ka dalbaneynaa in ay si dhow uga war-qabaan howlaha dib-u-eegista, oo ay naga xog-wareystaan caqabadaha na haysta iyo waxa noo qabsoomay," ayuu raaciyay Gudoomiyuhu.

Dastuurka Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 2012-kii qabyo qoraal ah, markaasi oo ay ansixisay Ergo, ayaa loo aqoon-saday midka ugu badan ee dhaqaalaha lagu bixiyay iyo midkii ugu waqti dheeraa.

Is-marin-waaga oo keenay in maamulada ay xiriirka u jaraan dowlada dhexe ayaa hakad geliyay wadasheyntii hay’addaha labada dhinac, taasi oo dhabaha u xaartay in ay is-taagto dadaaladii dhameystirka dastuurka.

Bisha Maarso ee sanadkaan ayaa loo balansan yahay inay Puntland marti-geliso shir lagu xalinayo khilaafka dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasi oo ka dhashay caleema saarkii Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM