Cabdi Qeydiid: Madaxda dalka waa inay kala saaraan Dastuurka iyo Siyaasada

Image

MUQDISHO, Somalia - Senator Cabdi Qeydiid, gudoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee Dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, ayaa qiray in khilaafka dowlada dhexe iyo maamulada xubnaha uu sameeyay howlaha qaybo-tirka dastuurka.

Qeydiid oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigayo caqabadaha iyo wax-qabadka Guddiga oo shalay Muqdisho ka furmay ayaa si cad daaha uga rogay in madaxda aysan muhiimad gaar ah siinin dhameystirka dastuurka.

Mudanaha oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u soo jeediyay labada dhinaca in ay kala saaraan siyaasada iyo dastuurka, maadaama uu yahay mid ka dhaxeeya Umadda oo idil.

"Madaxda dowlada iyo maamulada waxaan ka dalbaneynaa in ay si dhow uga war-qabaan howlaha dib-u-eegista, oo ay naga xog-wareystaan caqabadaha na haysta iyo waxa noo qabsoomay," ayuu raaciyay Gudoomiyuhu.

Dastuurka Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 2012-kii qabyo qoraal ah, markaasi oo ay ansixisay Ergo, ayaa loo aqoon-saday midka ugu badan ee dhaqaalaha lagu bixiyay iyo midkii ugu waqti dheeraa.

Is-marin-waaga oo keenay in maamulada ay xiriirka u jaraan dowlada dhexe ayaa hakad geliyay wadasheyntii hay’addaha labada dhinac, taasi oo dhabaha u xaartay in ay is-taagto dadaaladii dhameystirka dastuurka.

Bisha Maarso ee sanadkaan ayaa loo balansan yahay inay Puntland marti-geliso shir lagu xalinayo khilaafka dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasi oo ka dhashay caleema saarkii Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM